Laascaanood (Dawan)- Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo mamnuucaya in dadka rayidka ah ay hub ku dhex qaataan magaalooyinka waaweyn ee maamulka, iyadoo sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay xoojinta amniga iyo ilaalinta xasilloonida.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in amarkan, oo dhaqan galay 28-ka Juun 2026, uu dhigayo in hubka lagu dhex qaadan karo magaalooyinka waaweyn oo keliya ciidamada ammaanka ee rasmiga ah.
Wasaaraddu waxay fartay Ciidanka Booliska iyo hay’adaha kale ee ammaanka inay si degdeg ah u dhaqan-geliyaan amarka, isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto iyadoo jebinaysa.
"Qof kasta oo jebiya amarkan waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.