Muqdisho, 28 December 2025 (Dawan)– Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowlad-goboleedka Waqooyi-Bari, Axmed Cali Yakhle, ayaa ku dhawaaqay bannaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in bannaanbaxyada la qorsheeyay inay dhacaan Isniinta, oo ku beegan 29-ka December 2025, waxaana lagu qaban doonaa goobaha fagaareyaasha ah ee degmooyinka iyo guud ahaan Waqooyi-Bari.
Wasiirka ayaa tilmaamay in bannaanbaxyadu yihiin fursad ay shacabku ku muujinayan taageerada midnimada Qaranka Soomaaliya, isla markaana lagu diidan yahay go’aannada sharci-darrada ah ee lagu doonayo in lagu kala qaybiyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.






