Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ugu baaqday in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC) iyo xisbiyada siyaasadda inay hubiyaan in qoondada haweenka ee 30% iyo qoondada dadka naafada ah ee 5% si buuxda loo ilaaliyo doorashooyinka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Baaqan ayaa yimid kadib doorashadii dhowaan lagu soo gabagabeeyay Koonfur Galbeed, taas oo muujisay inay kusoo baxaan 16 haween ah oo ka dhigan 17% iyo 78 rag oo ka dhigan 83 % taas oo loo arkay natiijo aan isku dheeli tirnayn.
Wasiir Al-Makhzoumi ayaa adkaysay in ilaalinta qoondada matalaada ay muhiim u tahay kor u qaadidda dowladnimada loo dhan yahay, xoojinta ka qaybgalka siyaasadda, iyo hubinta in dhammaan qaybaha bulshada—oo ay ku jiraan haweenka iyo dadka naafada ah—ay si wax ku ool ah uga qayb qaataan hoggaanka iyo go’aan qaadashada.


