Muqdisho (Dawan)— Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Muqdisho aysan noqon karin goob maleeshiyaad hubeysan lagu ururiyo, isagoo ku eedeeyey siyaasiyiin mucaarad ah inay abaabulayeen kooxo hubeysan oo uu sheegay in loogu talagalay carqaladeynta amniga caasimadda. Wasiirka ayaa hadalkan Maanta ka jeediyey Shirka U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ay si wadajir ah ugu qabteen Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho.
Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay mas'uul ka tahay sugidda amniga dalka, isla markaana aysan aqbali doonin in hay'adaha amniga laga hor istaago inay waajibaadkooda ka gutaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxo hubeysan. Wasiirka ayaa sheegay in 260 nin oo hubeysan laga saaray goob ku taalla Muqdisho, isagoo ku eedeeyey in loo diyaarinayey inay carqaladeeyaan amniga magaalada.
“260 wiil oo hubeysan baa ka saarnay, waan soo bandhigi doonnaa, been ma sheegayno, Ilaahayna waa nagu og yahay,” ayuu yiri Fiqi.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka inay ku lug lahaayeen hub urursi iyo abaabulka maleeshiyaad, isagoo sheegay in qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay kooxo hubeysan u soo direen Muqdisho. Fiqi ayaa intaas ku daray inay jireen dhaqdhaqaaqyo la xiriira maalgelin shisheeye, inkastoo uusan hadalkiisa ku soo bandhigin caddeymo lagu xaqiijinayo eedeymahaas.