Hargeysa – 6 Janaayo 2026 ( Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa, taas oo noqotay booqashadii ugu horreysay ee uu mas’uul sare oo Israa’iili ah ku tago Somaliland tan iyo markii Israa’iil ay si rasmi ah u shaacisay aqoonsiga ay siisay maamulkaas.
Booqashadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa xiriir diblomaasiyadeed oo si degdeg ah u sii xoogaysanaya, waxayna imaanaysaa maalmo uun kaddib go’aankii ay Talaabiib ku aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo dhalisay falcelinno kala duwan oo heer gobol iyo mid caalami ah.
Wasiir Sa’ar ayaa garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Somaliland, kaddibna u gudbay madaxtooyada, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga siyaasadeed, amni iyo mid istiraatiiji ah ee u dhexeeya labada dhinac, iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan wada-shaqeyn oo rasmi ah oo ka tarjumaya aqoonsiga dhawaan la shaaciyay.







