Muqdisho (Dawan ) — Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in kaliya 30% hooyooyinka Soomaaliyeed ay carruurtooda siiyaan naaska oo keliya lixda bilood ee ugu horreeya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu dhiirrigelinayo naasnuujinta. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay Toddobaadka Caalamiga ah ee Naasnuujinta, oo sannad kasta la xuso 1-da ilaa 7-da Agoosto, iyadoo Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka caalamka ee xusa munaasabaddan.
Maqaallo la xidhiidha
Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in caanaha hooyada aysan jirin wax u dhigma, isagoo xusay in dowladda ay mamnuucday xayeysiisyada lagu dhiirrigelinayo caanaha beddelka u ah caanaha hooyada. “Ma jiraan caano u dhigmi kara caanaha hooyada, waxaana mamnuucnay in la xayeysiiyo noocyada caanaha lagu beddeli karo naasnuujinta,” ayuu yiri Wasiirka. Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, dhakhaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii ay socotay munaasabadda ayaa sidoo kale lagu daah-furay xeerar lagu xakameynayo beddelka caanaha hooyada, kuwaas oo sida lagu sheegay munaasabadda horey ugu jiray xeerka daawada, isla markaana ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday hooyooyinka Soomaaliyeed inay muhiimad gaar ah siiyaan naasnuujinta, iyadoo lagu taliyay in carruurta lixda bilood ee ugu horreeya la siiyo naaska oo keliya si loo taageero caafimaadkooda iyo korriinkooda.