Muqdisho, 1 Febraayo 2026 (Dawan)— Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ka digay in ciidamo aad u hubeysan iyo hub culus lala soo galo Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho inay tahay arrin khatar ku ah amniga, isla markaana aan munaasib ahayn, gaar ahaan marka aysan jirin sabab amni oo sharci ah.
Qoraal uu wasiirku ku daabacay bartiisa X, ayuu ku sheegay in garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ay ku yallaan safaarado iyo xarumo diblomaasiyadeed, isla markaana sugidda amniga goobahaas xasaasiga ah ay tahay mas’uuliyad gaar ah oo saaran Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Garoonku wuxuu martigeliyaa safaarado iyo xarumo diblomaasiyadeed, sugidda amniga goobahaas xasaasiga ahna waa mas’uuliyadda dowladda oo kaliya,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo dhab ah oo ku saabsan in hubka la keenayo caasimadda lagu kaydin karo bakhaarro ku yaalla Muqdisho, ama si ula kac ah loogu gacan gelin karo dhinacyo kale, taasoo uu ku tilmaamay khatar weyn oo ku wajahan amniga qaranka, isla markaana wiiqaysa xasilloonida caasimadda.







