Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa maanta ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga Türkiye iyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa booqashooyinka isbarasho ee uu Danjire Alkan ku wado la kulanka madaxda iyo shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee xilalka kala duwan ka soo qabtay dalka iyo kuwa hadda haya xilalka dowladda.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay taariikhda xiriirka labada dal iyo heerka uu hadda marayo. Waxa ay sidoo kale isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladda ugu dambeysa ee Soomaaliya iyo arrimaha gobolka iyo caalamka ee saamaynta ku leh juqraafi-siyaasadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.