Jowhar (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la dagaallanka kooxda Al-Shabaab uu yahay mudnaanta koowaad ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isaga oo ku baaqay in ciidamada iyo bulshada ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada dalka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka dhismaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, oo maanta lagu qabtay magaalada Jowhar.
"Baahida ugu weyn ee aan maanta qabno waa la dagaallanka Khawaarijta. Marka aan dhibaatada Khawaarijta xallinno, horumar, deganaansho, nabad, sharaf iyo karaamo ayaa xigi doona," ayuu yiri Madaxweynaha. Waxa uu sheegay in mudnaanta koowaad ee Hirshabeelle ay tahay in deegaannadeeda laga xoreeyo kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, isaga oo xusay in marka dowlad-goboleed kastaa deegaannadiisa ka xoreeyo Al-Shabaab ay Jamhuuriyadda oo dhan xor noqon doonto.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dal ballaaran oo bedkiisu gaarayo 637,000 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran, taas oo adkaynaysa in ciidamada dowladda oo keliya ay sugaan amniga guud ee dalka.