Laascaanood (Dawan)– Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa xafiiskiisii ugu horreeyay ka furtay degmada Laascaanood, caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Xafiiska oo ku yaalla xaafadda Daami ayaa waxaa xarigga ka jaray wakiilka xisbiga JSP ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabbaas Saleebaan Jaamac (Cabbaas Madani). Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay odayaal, waxgarad, dhallinyaro, xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xildhibaanno ka tirsan dowlad-goboleedka.
Cabbaas Madani ayaa sheegay in xisbigu go'aansaday in xafiiskiisii ugu horreeyay ee degmada Laascaanood laga furo xaafadda Daami, ka hor inta aan la furin xarunta guud ee xisbiga. Waxa uu tilmaamay in tallaabadani ay muujinayso muhiimadda gaarka ah ee xisbigu siinayo xaafadda iyo bulshada ku nool.
Waxa uu xaafadda Daami ku tilmaamay tan ugu weyn magaalada Laascaanood, isaga oo xusay in furitaanka xafiiska uu ka tarjumayo sida xisbigu u danaynayo bulshada deegaanka.
Wakiilka xisbiga ayaa dadka ku nool xaafadda Daami, gaar ahaan beesha Madhibaan, ugu baaqay inay codkooda siiyaan musharraxiinta xisbiga JSP ee u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka degmada Laascaanood. Waxa uu sheegay in doorashooyinkii hore musharraxiintu ay xaafadda Daami u iman jireen iyagoo dadka ka codsanaya codkooda, balse markan xisbiga JSP uu soo sharraxay musharraxiin ka soo jeeda xaafadda.