Jabuuti (Dawan) – Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digay in maalgelin-yaraan ay saameyn weyn ku yeelan karto barnaamijyada qaxootiga, adkeysiga bulshada iyo gurmadka degdegga ah ee Jabuuti laga bilaabo July 2026, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay ReliefWeb.
WFP ayaa sheegtay in hay’addu wajahayso farqi dhaqaale oo dhan $8 milyan muddada u dhexeysa May ilaa October 2026, taas oo khatar gelin karta sii socoshada howlaha muhiimka ah ee gargaarka.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in xiisadda Bariga Dhexe ay sababtay dib u dhac ku yimid keenista badeecooyin muhiim ah sida burka qamadiga iyo saliidda cuntada, taas oo hakad gelisay gargaarkii cuntada ee qaxootiga ku nool koonfurta Jabuuti.
WFP ayaa xustay in Jabuuti ay si weyn ugu nugushahay cunno-yari iyo isbeddelka cimilada, iyadoo ku dhawaad 90 boqolkiiba cunnada dalka laga soo dejiyo dibadda. Warbixinta ayaa tilmaamtay in qiyaastii 230,000 qof ay wajahayeen heerar sare oo cunno-yari ah intii u dhexeysay July ilaa December 2025.


