Dhuusamareeb (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu ku sugnaado maalmaha soo socda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in socdaalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Galmudug.
War kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xamsa Cabdi Barre uu inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb kulamo la yeelan doono hoggaanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo horumarinta arrimaha mudnaanta leh.
Dhanka kale, Madaxtooyada Galmudug ayaa ku tilmaantay booqashada Ra’iisul Wasaaraha “safar shaqo”, inkastoo aan la shaacin ajandayaasha gaarka ah ee kulamada la qorsheeyay.