Soomaaliya, 13 Abriil 2026 (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Axaddii sheegay in dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay ka jirto xisaabtan la’aan, isagoo dhanka kale difaacay doorka kormeer iyo awoodda dowladda dhexe.
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), taas oo ka dhacday xarunta Taliska Saadka ee Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.
“Anigu hal ayaan ogahay; haddii aad eegtaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaad arkaysaan in mararka qaar aysan isku dhegganayn maslaxad qaran oo mideysan. Dowladda federaalka ah waxay matashaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan, halka dowlad goboleedyadu mararka qaar ay ku kooban yihiin deegaan gaar ah,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Wuxuu ku tilmaamay dowladda federaalka inay tahay “awoodda sharciga ah” ee matasha dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay la xisaabtamaan baarlamaanka, shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayna tahay in si buuxda loo caddeeyo kharashaadka iyo go’aannada maaliyadeed.


