Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda federaalku ay diyaar u tahay wada-hadal iyo tanaasul kasta oo lagu gaari karo xal siyaasadeed oo waara oo ku saabsan arrinta Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyay in mustaqbalka Somaliland uu ku jiro Soomaaliya gudaheeda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku baaqay in laga fogaado kala fogaanshaha siyaasadeed, isla markaana mudnaanta la siiyo wada-hadal iyo is-afgarad.
Isagoo la hadlayay shacabka Somaliland, ayuu yiri: "Walaalaheen reer Waqooyi waxaan leeyahay: nagama maarmeysaan, Ilaahay ayaa nakiin baday; annagana idinkama maaranno."
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay wadaagaan taariikh, dhaqan iyo masiir mideysan, taasoo uu ku tilmaamay saldhigga lagu gaari karo xal waara oo ku dhisan wada-hadal iyo is-ixtiraam.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in dowladda federaalku ay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka kala fariisato cid kasta oo tabasho qabta, isla markaana ay ka wada hadlaan arrimaha la isku hayo si loo gaaro is-afgarad.