Dhuusamareeb (Dawan) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcahan maanta ah ku wajahan Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu uga qaybgalo munaasabadaha lagu xusayo sanad-guurada dhismaha Galmudug, sida ay Dawan u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu gaaro Dhuusamareeb, oo ah caasimadda Galmudug, halkaas oo lagu qabanayo munaasabadaha xuska sanad-guurada oo ku beegan 14-ka Agoosto.
Galmudug ayaa ka mid noqotay Dowlad Goboleedyada Federaalka Soomaaliya sanadkii 2015, iyadoo ka kooban gobolka Galgaduud iyo inta badan gobolka Mudug.
Xuska sanad-guurada ayaa ku soo beegmaya kaddib doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Galmudug ee golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada, kuwaas oo lagu qabtay nidaamka qof iyo cod.