Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshaneyso dhaxalkeedii dimuqraadiyadeed, isla markaana ay gashay marxalad cusub oo horumar qaran ah oo ku dhisan hay’ado adag, shacab adkeysi leh iyo isku-filnaansho.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay sannad-guuradii 250-aad ee madax-bannaanida Mareykanka, oo Khamiisti lagu qabtay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhacdooyinkii dhacay toddobaadkii la soo dhaafay ay mar kale muujiyeen kalsoonida iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee Afrika ee qaatay nidaamka dimuqraadiyadda kaddib xornimadii 1960-kii, isla markaana ay si tartiib tartiib ah dib ugu soo ceshaneyso dhaxalkaas.