Ankara (Dawan) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Turkiga, C. Kâni Torun, ayaa maanta oo Axad ah soo jeediyay qorshe siyaasadeed oo ka kooban 10 qodob oo uu sheegay in lagu xallin karo xiisadaha sii kordhaya ee la xiriira khilaafaadka dastuurka iyo doorashooyinka Soomaaliya.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X ayuu Torun ku sheegay in Soomaaliya ay gashay “xilli siyaasadeed oo khatar iyo hubanti la’aan leh” kadib waxa uu ku tilmaamay dhammaadka muddada dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May.
Torun ayaa sheegay in khilaaf uu ka dhashay wax-ka-beddellada dastuurka ee dowladda Soomaaliya ay ku doodday inay muddada hay’adaha federaalka ka dhigeen shan sano, halka mucaaradka iyo dhinacyo kale ay ka hor yimaadeen fasiraaddaas.
“Nasiib darro dalku wuxuu galay marxalad aan la saadaalin karin, waxaana jirta baahi degdeg ah oo loo qabo wada-hadal, is-xakameyn iyo tanaasul si looga fogaado xasillooni darro ama iska hor imaad,” ayuu yiri Torun.
Hadalladan ayaa yimid iyadoo ay sare u kaceen xiisadaha siyaasadeed kadib markii wadahadallo Muqdisho ku dhexmaray dowladda federaalka iyo mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax-ka-beddellada dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.
Qorshaha uu soo jeediyay Torun waxaa kamid ahaa magacaabista ra’iisul wasaare madax-bannaan oo aan ka qeyb geli doonin doorashada madaxtinimada ee soo socota, islamarkaana hoggaamin doona dowlad loo dhan yahay oo diyaarinaysa doorashooyin lagu gaarayo heshiis siyaasadeed.
Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la dhiso guddi doorasho oo madax-bannaan oo ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, si uu u maamulo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka dalka oo dhan.


