Muqdisho (Dawan) – 85 xildhibaan oo isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya.
Xildhibaannada ayaa saraakiishaasi ku eedeeyay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, musuqmaasuq iyo ku takrifalka awoodda dowladeed.
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal ay ka mid yihiin barakicin lagu sameeyay dad rayid ah, burburinta guryo iyo dhulal, iyo xarigyo aan sharciyeysneyn oo loo geystay dad ka cabanayay falalkaas.
Xildhibaannadu waxay sidoo kale sheegeen in saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka uu taliyo Mahdi Cumar Muumin ay door ku lahaayeen falalka lagu eedeeyay, iyagoo ku tilmaamay arrintaas mid muujinaysa hab-dhaqan nidaamsan oo ka dhex jiray hay’adaha ay khusayso.









