Jabuuti (Dawan ) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita, ayaa xildhibaannada ugu baaqay inay taageeraan musharraxnimada Madaxweynaha xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, xilli ay soo dhowdahay doorashada madaxtinimada ee dalka oo la qorsheeyay 10-ka Abriil 2026.
Baaqan ayaa yimid intii lagu jiray furitaanka kalfadhiga ugu horreeya ee caadiga ah ee Baarlamaanka sanadkan, munaasabad rasmi ah oo ka dhacday caasimadda Jabuuti. Kalfadhiga waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, xubno ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, iyo wakiillo ka socday diblomaasiyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in furitaanka kalfadhigan uu ku soo beegmay xilli siyaasadeed muhiim ah, maadaama dalka uu ku soo wajahan yahay doorashada madaxtinimada. Wuxuu xildhibaannada iyo xubnaha xukuumadda ku booriyay inay laba jibaaraan dadaallada ay ku taageerayaan musharraxnimada Madaxweynaha xilka haya, isaga oo xusay in barnaamijka iyo siyaasadaha uu wado Geelle ay muhiim u yihiin ilaalinta xasilloonida dalka, sii socoshada hay’adaha dowliga ah, iyo horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Jabuuti.







