Hargeelle (Dawan) – Ololaha doorashooyinka ee ka socda guud ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa gaaray garoomada ciyaaraha, kaddib markii musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmada Hargeelle ee Gobolka Afdheer ay daahfureen tartan kubadda cagta ah oo qayb ka ah ololahooda doorashada.
Tartankan ayaa lagu qabtay degmada Hargeelle, waxaana furay qaar ka mid ah musharixiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharaxan degmada, oo uu ka mid yahay Daahir Sheekh Cabdi, Maareeyaha Wakaaladda Dhisidda iyo Kobcinta Iskaashatooyinka DDS.
Musharixiinta ayaa sagaal kooxood oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee degmada Hargeelle u qaybiyay dharka ciyaaraha, iyagoo sidoo kale si rasmi ah u furay tartanka kubadda cagta ee ku jira ololaha doorashada.


