Somaliland, 5 November 25 (Dawan) – Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa xisbiga talada haya ee Wadani ku eedeeyay in wadaan qorshe ay doorashooyinka Wakiilada iyo Goloyaasha deegaanka ay dib ugu dhigayaan, iyaga oo diidan in heshiis laga gaaro qaabka qabshada doorashooyinka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in saddexda xisbi loo gudbiyay saddex doorasho (options) oo lagu fulin karo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, ayna kulammo badan yeesheen, balse Waddani ay ka baxeen heshiis ay soo gaareen gudi farsamo oo loo xilsaaray ariamhaan oo ka soo heshiiyay.
“Xisbiyada qaarkood way istaageen oo waxay muujiyeen mowqif cad. Waddani mowqifkiisa uu nala qaatay ayuu beddelay,” ayuu yiri Faysal Cabdiraxmaan Madar.
Waxa uu sheegay in bishii August ay jireen kulammo dhexmaray Kulmiye, KAAH iyo Madaxweynaha, kuwaas oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta, isagoo xusay in madaxweynaha bixiyay raalligelin ku saabsan wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ka qayb-galay arrimo guddi doorasho.








