Baydhabo (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya (NIEBC) ayaa shaaciyay liiska saddex xildhibaan oo ka dhinnaa Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib doorashadii ka dhacday 10-kii May 2026.
Sida ku cad warqad rasmi ah oo ay soo saareen guddiga, saddexdan xildhibaan ayaa dhameystiraya xubnihii ka haray golaha, taasoo ka dhigaysa in tirada guud ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed inay hadda gaartay 95 xildhibaan.
Guddiga ayaa sheegay in liiska la shaaciyay uu yahay dhameystirka xubnaha la doortay, iyadoo la raacayo waajibaadka dastuuriga ah iyo habraacyada sharciga doorashooyinka dalka.
Xildhibaannada la shaaciyay ayaa kala ah:
Cabdullaahi Maxamed Xaamud Cabdi (Karaama)


