Madiina (Dawan)- Qeybtii ugu horreysay ee xujey Soomaaliyeed ah ayaa gaartay magaalada Madiina ee dalka Sacuudi Carabiya, taasoo calaamad u ah bilowga xilliga Xajka 2026 ee Soomaaliya. Waxaa sanadkan la filayaa inay safraan in ka badan 11,000 oo xujey ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Soomaaliya.
Kooxdan oo ka amba baxday magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho ayaa Jimcihii ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee Amiir Maxamed bin Cabdulcasiis, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen safiirka Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, iyo madaxa waaxda arrimaha Xajka ee Soomaaliya, Qadar Xaaji Daahir.
Saraakiishu waxay sheegeen in imaatinka xujeydan uu muujinayo bilowga cibaadada xajka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.


