kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay ka hortageen laba weerar cirka oo Mareykanku qorsheeyay. Sida uu sheegay afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ciidamada Xuutiyiintu waxay beegsadeen markabka diyaaradaha dagaalka ee USS Harry S. Truman iyo maraakiib la socday ee ku sugan Badda Cas, iyadoo la isticmaalay gantaallo cruise iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Saree ayaa sheegay in weerarradan ay qeyb ka ahaayeen difaaca Xuutiyiinta ee ka dhanka ah weerarada Mareykanku ka wado gobolka. Weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha ayaa lagu beegsanayay howlgalada maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan Badda Cas.