Muqdisho (Dawan)– Maamulka Gobolka Banaadir iyo Isbitaalka Wadajir ayaa Talaadadii magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaad ee takhasuska leh. Heshiiska waxaa kala saxiixday Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed, iyo Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Wadajir, Dr. Cabdiraxmaan Yabarow.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, heshiiska ayaa lagu horumarinayaa tayada iyo hufnaanta adeegyada daryeelka caafimaad ee bulshada ku nool gobolka. Waxa uu sidoo kale xoojinayaa wada-shaqeynta hay’adaha caafimaadka dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.