Mogadishu (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu wajahayo “duullaan”, xilli mucaaradku ku baaqeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ka dhacaya caasimadda Muqdisho 10-ka May 2026.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mucaaradka ugu baaqay inay talo la yimaadaan ama ay talo-raac noqdaan kulanka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay ee la qorsheeyay inuu hex maro dowladda iyo mucaaradka isla 10-ka May.
Muuqaal lagu baahiyay bogga Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayuu Xamse ku sheegay in Muqdisho maanta haysato amni ay bulshada reer Muqdisho ku bixiyeen naf iyo maal, isagoo xusay in canshuuraha ay dowladdu qaaddo ay qayb ka yihiin dadaallada lagu sugayo amniga iyo adeegyada magaalada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xasilloonida Muqdisho ay ku tiirsan tahay wada-shaqeyn iyo isfaham siyaasadeed, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in fariimaha mucaaradka qaarkood ay dhaawici karaan nabadgelyada iyo kalsoonida shacabka.


