Muqdisho (Dawan) – Midowga Yurub ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay wadatashiyo ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu sii faahfaahinayay hirgelinta taageero maaliyadeed oo dhan €75 milyan, taas oo hore loogu ansixiyay howlgalka AUSSOM iyada oo loo marayo Sanduuqa Nabadda ee Yurub (European Peace Facility - EPF).
Kulamada, waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo diiradda lagu saaray mudnaanta bixinta maalgelinta iyo habraaca ugu habboon ee loo fulin karo taageerada.
Midowga Yurub ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in wadatashiyada ay ujeeddadoodu ahayd in la sii caddeeyo qaabka fulinta iyo mudnaanta xirmada taageerada ee €75 milyan.
Bishii Abriil ee sannadkan, Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u ansixiyay maalgelintan, taas oo loogu talagalay in lagu daboolo kharashaadka howlgalka AUSSOM ee sannadka 2025 iyo rubucii hore ee 2026, iyadoo ay ka mid yihiin gunnooyinka ciidamada, qalabka aan hubka ahayn iyo adeegyada taageerada howlgalka.