Muqdisho (Dawan)— Midowga Yurub ayaa maanta oo Khamiis ah u dhawaaqay €102 milyan oo yuuro (oo u dhiganta $120 milyan oo doolar) oo kaalmo ah oo loogu talagalay Soomaaliya, taas oo lagu taageerayo xasilinta, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, iyo maaraynta socdaalka muddada saddexda sano ee soo socota.
Taageeradan ayaa lagu shaaciyay munaasabad ka dhacday xarunta Midowga Yurub ee Muqdisho, waxaana ka qaybgalay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesco De Maura, Agaasimaha Ku-xigeenka Guud ee Midowga Yurub, Myriam Ferran, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, iyo Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.
“Myalgashigan wuxuu sii xoojinayaa taageerada aan u fidinno horumarka Soomaaliya,” ayay tiri Myriam Ferran. iyada oo raacisay “Waxa uu diiradda saaraya xasilinta dhaqaalaha, xoojinta hufnaanta maamulka, iyo hagaajinta maaraynta socdaalka.”
Sidee loo qeybiyay taageerada?
Lacagtan ayaa loo kala qoondeeyay afar mudnaan oo waaweyn: €30 milyan oo lagu taageerayo dhismaha dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan dib-u-habaynta maaliyadda dadweynaha; €27 milyan oo loogu talagalay maaraynta socdaalka, taageeridda qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha; €25 milyan oo lagu horumarinayo nidaamka waxbarashada; iyo €20 milyan oo lagu xoojinayo xasilinta gobollada ay colaadaha saameeyeen.







