Qaahira (Dawan)– Wasiirrada arrimaha dibadda ee 15 dal oo ay ku jiraan Soomaaliya, Masar, Sacuudiga, Turkiga, Qatar iyo Pakistan ayaa si adag u cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku dooneyso inay safaarad uga furato magaalada Qudus, sida lagu sheegay bayaan wada jir ah oo ay soo saareen wadamadaan maanta.
Dalalka ayaa kala ah Soomaaliya, Masar, Sacuudiga, Qatar, Urdun, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Yemen, Lubnaan iyo Muritaaniya. Dowladahaan ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci darro ah oo ka hor imaaneysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay ee khuseeya magaalada Qudus.
Wasiirradu waxay adkeeyeen inay si buuxda u diidan yihiin tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu doonayo in lagu beddelo xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Qudus, iyagoo xusay in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967.


