Muqdisho (Dawan) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabay dhaliilaha loo jeediyay heshiisyada ay Soomaaliya la gashay Turkiga, isagoo sheegay inaysan waxyeello u geysan shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ansixiyay.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda dhagax-dhigga xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, halkaas oo uu kaga hadlay doodihii iyo dhaliilihii ka dhashay heshiisyada labada dal.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii heshiisyada la horgeeyay Baarlamaanka ay jireen dad si weyn uga soo horjeeday, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay faafiyeen fasiraado khaldan oo aan xaqiiqada ku salaysnayn.
Waxa uu tilmaamay in heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga ay khuseeyaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo siyaasadda, isla markaana Baarlamaanku ku ansixiyay kalsooni iyo rabitaan.