Muqdisho (Dawan)— Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka Soomaaliya ee lagu rakibay nidaamyada tamarta qorraxda (Solar) ayaan si buuxda uga faa'iidaysan karin korontada ay soo saaraan, iyadoo awoodda nidaamyada qaarkood ay hoos ugu dhacday boqolkiiba 30, sababo la xiriira dayactir la'aan, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media ku sheegay in 200 oo xarumood oo caafimaad oo dalka ku yaalla lagu rakibay nidaamyada tamarta qorraxda, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn. Hase yeeshee, wuxuu xusay in warbixinnada soo gaaraya Wasaaradda Caafimaadka ay muujinayaan caqabado la xiriira dayactirka nidaamyadaas.
"Waxaa jira maintenance ayuu u baahan yahay solar-ku. Shirkadihii maintenance-ka labada sano ee ugu horreeya inay qaataan ayay ahayd oo ay xalliyaan ayay ahayd," ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sheegay in shirkadaha qaarkood aysan si degdeg ah uga jawaabin marka lala soo xiriiro si ay u xalliyaan cilladaha ka dhasha nidaamyada korontada qorraxda. "Taasina waxay yaraynaysaa ka faa'iidaysigii solar-ka iyo capacity-gii shaqayntiisa; meelaha qaar waxaa laga yaabaa boqolkiiba soddon inuu shaqeeyo," ayuu yiri.