Muqdisho (Dawan) – Ku dhowaad 400 xarumood caafimaad oo Soomaaliya ku yaalla, kuwaas oo lagu maalgelin jiray gargaarka bani’aadannimada, ayaa shaqada joojiyay kadib markii la hakiyay maalgelintii Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan Media u sheegay in dhimista maalgelinta ay saamayn ku yeelatay adeegyada caafimaadka, iyadoo ay xirmeen xarumo badan oo ku tiirsanaa maalgelinta hay’adaha samafalka, sidoo kalena ay istaageen qaar ka mid ah rugaha caafimaadka guurguura (mobile clinics).
“Inkastoo xarumo badan oo gaaraya ilaa 400, kuwaas oo gargaarka bani’aadannimada laga maalgelin jiray, ay istaageen markii maalgelintii USAID la joojiyay,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in ku dhowaad 600 oo xarumood oo lagu maalgeliyo mashaariicda horumarinta caafimaadka ay weli shaqaynayaan.
“Kuwii mashaariicda horumarinta ku tiirsanaa waan sii wadnay ilaa hadda, waxaana rajaynaynaa inay sii shaqeeyaan, haddii Alle idmo,” ayuu yiri.