Muqdisho (Dawan) — Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ayaa Sabtidii, 21-kii Nofeembar, oo ku beegnayd Maalinta Caalamiga ah ee Kalluumeysiga, ballanqaadday inay xoojin doonto la-dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo ilaalinta khayraadka badda.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay inay mudnaan siinayso ka hortagga kalluumeysiga sharci-darrada ah, kan aan la soo sheegin iyo kan aan la xakameyn, kuwaas oo loo soo gaabiyo IUU. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay kor u qaadi doonto tayada iyo badqabka cuntada badda, si kalluunka Soomaaliyeed uu u gaaro suuqyada caalamka, iyadoo taageero la siinayo kalluumeysatada yaryar, haweenka iyo dhallinyarada ka shaqeeya waaxda kalluumeysiga.