Muqdisho (Dawan) — Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka ka codsatay inuu tallaabo ka qaado isbitaallada baraha bulshada ku xayeysiiya waxyaabo aan anshaxa waafaqsanayn ama aan la aqbali karin, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan Media u sheegay in xayeysiinta adeegyada isbitaallada ay tahay inay waafaqsan tahay anshaxa iyo akhlaaqda. Wuxuu sheegay in wasaaraddu arrintaas u gudbisay Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka (NHPC).
"Xayeysiintu waxay u baahan tahay in la raaco anshaxa iyo akhlaaqda. Waxyaabo badan oo aan la aqbali karin ayaa ka socda baraha bulshada iyo warbaahinta, kuwaas oo iyaguna u baahan in wax laga qabto," ayuu yiri wasiirku. "Waxaan maalin kasta aragnaa isbitaallo xayaysiinaya waxyaabo aan akhlaaq ahayn ama aan la aqbali karin," ayuu raaciyay.
Isbitaallada iyo rugaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ayaa sanadihii u dambeeyay si xawli ah ugu kordhay Muqdisho, iyadoo qaar badan oo ka mid ahi adeegyadooda ku xayeysiiyaan Facebook, TikTok iyo baraha kale ee bulshada.
Dr. Cali Xaaji ayaa sheegay in kormeerka iyo nidaaminta xayeysiinta caafimaadku ay ka mid yihiin waajibaadka Golaha. Wuxuu intaas ku daray in Goluhu hadda ka shaqeeyo xafiisyo ay wasaaraddu siisay, isla markaana uu dib u qiimayn iyo diiwaangelin ku samaynayo xarumaha caafimaadka ee caasimadda.