Muqdisho (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan bilaabi doonta xiritaanka farmashiyeyaasha ay daawooyinka ku iibiyaan dad aan haysan shahaadada farmashiyaha, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa arrintan kaga hadlay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, isagoo ka jawaabayay su'aal uu soo diray daawade lagu magacaabo Maxamed Xirsi. Su'aashu waxay ahayd in Wasaaradda Caafimaadku ay ka warqabto in farmashiyeyaasha ay ka shaqeeyaan dad aan baran cilmiga farmashiyaha.
“Maxamed Xirsi waa runtiis, waan ka warqabnaa,” ayuu yiri wasiirku. Wuxuu sheegay in muddo dheer dalka laga aaminsanaa in qof kasta uu daawo iibin karo, isla markaana farmashiyaha loo arkayay dukaan caadi ah. “Mar dhow waxaa bilaabanaysa in la xiro farmashiyeyaasha uu maamulo qof aan haysan shahaadada farmashiyaha, qofkana sharciga lala tiigsado,” ayuu yiri.
Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in tallaabadaasi ay abuuri doonto baahi weyn oo loo qabo farmashiistayaal shahaado haysta, kuwaas oo uu sheegay inay dalka ku yar yihiin. Wuxuu intaas ku daray in jaamacadaha badankoodu aysan lahayn kulliyado lagu barto cilmiga farmashiyaha. “Waxaan ku boorrinayaa jaamacadaha inay furaan takhasuskaas,” ayuu yiri.