Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu maamuusayay 162 arday oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Muqdisho sannad-dugsiyeedka 2025/2026, kuwaas oo kharashka waxbarashadooda ay kafaalo-qaadday hay’adda Qatar Charity.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr Cabdullaahu bin Saalin, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Maxamed Cismaan, Xoghayaha Guud ee Tacliinta Sare Dr Axmed ibraahim iyo Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Muqdisho ee Arrimaha Waxbarashada, Xiriirka iyo Horumarinta, Maxamed Cali Cumar
Guddoomiyaha Xafiiska Qatar Charity, Cabdifitaax Aadan Macallin, ayaa bogaadiyay deeq-bixiyeyaasha taageeray waxbarashada ardayda, isaga oo ku tilmaamay dad aanay ardaydu aqoon, balse garab istaagay si ay u helaan fursado waxbarasho iyo horumar.
Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Muqdisho ee Arrimaha Xiriirka, Dr. Maxamed Cali Cumar, ayaa ardayda ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho, isla markaana ay horumariyaan xirfadahooda.