Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo qorshaha ay ciidamada Soomaaliya kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka, xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Sabtidii magaalada Muqdisho kula kulmay sii-hayaha Safaaradda Mareykanka, Ruth Anne Stevens-Klitz. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wadahadallada ayaa si gaar ah loogu lafa-guray waajibaadka iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM, iyadoo la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in wareejinta mas’uuliyadda amniga loo maro hannaan qorsheysan oo ku saleysan awoodda iyo diyaargarowga ciidamada Soomaaliya. Arrimaha kulanka looga hadlay waxaa sidoo kale ka mid ahaa la wareegidda saldhiggii hore ee ciidamada AUSSOM ee magaalada Baraawe, kaas oo lagu wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wareejinta saldhiggan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu dhimayo ku-tiirsanaanta ciidamada shisheeye, laguna ballaarinayo doorka ciidamada Soomaaliya ee sugidda amniga deegaannada ay ka howlgalaan.