Yiwu (Dawan)– Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Axaddii shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha ugu baaqay inay maalgashi ku sameeyaan warshadaha iyo qaybta farsamaynta wax-soo-saarka gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wasiirka oo khudbadda furitaanka ka jeediyay Madasha Iskaashiga Ganacsiga iyo Warshadaynta Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka dhacday magaalada Yiwu ee gobolka Zhejiang, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xiriirka ganacsi ee labada dal laga gudbiyo is-weydaarsiga badeecadaha, loona ballaariyo maalgashiga warshadaha, farsamaynta wax-soo-saarka gudaha iyo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.
Jamaal ayaa maalgashadayaasha Shiinaha ku dhiirrigeliyay inay Soomaaliya u arkaan suuq soo koraya oo leh khayraad dabiici ah iyo goob istaraatiiji ah, isaga oo soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, macdanta, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo warshadaha wax-soo-saarka.
Madasha waxaa ka qaybgalay ku dhowaad 300 oo ganacsato, maalgashadayaal, madax shirkadeed iyo mas’uuliyiin dowladeed ah oo ka kala socday labada dal, sida ay sheegtay wasaaraddu. Waxaa sidoo kale madasha lagu qabtay kulammo ganacsi oo toos ah oo ay shirkadaha labada dal ku yeesheen fursado ay ku sahamiyaan iskaashiga ganacsi. Hase yeeshee, bayaanka wasaaraddu ma xusin heshiisyo la saxiixay.