Hargeysa (Dawan)- Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxaa ka socda dabaaldegyo lagu xusayo 35-guuradii kasoo wareegtay maalintii 18-ka May, oo ahayd maalintii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii.
Sanad walba xilligan oo kale, Somaliland waxay qabataa munaasabado waaweyn iyo dabaaldegyo lagu xusayo maalintan. Hase yeeshee, sanadkan xuska 18-ka May wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jiraan arrimo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo ay dad badan u arkaan kuwo ka duwan xaaladihii hore.
Somaliland ayaa sanadkan u dabaaldegeysa iyadoo dood badan hareysay xiriirka ay la yeelatay Israel iyo aqoonsigii ay ku dhawaaqeen labada dhinac dhamaadkii sanadkii 2025.
Dad badan oo taageersan qaddiyadda Somaliland ayaa rumeysan in sanadkan ay jirto rajo ka weyn middii ay qabeen sanadihii hore, gaar ahaan dhinaca aqoonsiga caalamiga ah.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa sheegay in sanadkan uu ka duwan yahay sanadihii hore, isagoo tilmaamay in Somaliland ay dabaaldegeyso iyadoo, sida uu sheegay, ah “dal la aqoonsan yahay”.
“Waxa farxad gaar ah inoo ah in maanta uu yahay xuskii ugu horreeyay ee aynu xusno 18-ka May annagoo ah Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsan yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Waxay sidoo kale Somaliland u magacaabay safiirkeedi ugu horeeyay Israel, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji, bartamihii bishii February ee sanadkan. Halka ay Israel ay qorsheyneyso inay yeelato wakiil diblomaasiyadeed oo ka shaqeeya Somaliland.
Intaas waxaa dheer, warbaahinta Israel waxay shalay baahisay in safiirka Somaliland lagu wado inuu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog.
Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 18-ka May, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uusan saameyn taban ku yeelan doonin bulshada Soomaaliyeed, balse uu yahay “dal kale oo kusoo kordhay qowmiyadda Soomaaliyeed”.
“Dadka Soomaaliyeed ee sida khaldan wax loogu sheegay, waxaan mar kale u caddeynayaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal kale oo kusoo kordhay qowmiyadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Bishii December ee sanadkii 2025 ayay Israel ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, arrintaas oo dhalisay falcelinno kala duwan iyo dood ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto gobolka Geeska Afrika.


