Muqdisho (Dawan)– Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay lix haween ah oo lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah maandooriye ugu gelinayeen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Haweenkan ayaa lagu tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen shabakad ka ganacsata maandooriyaha la geliyo xabsiga.
Ciidanka Asluubta ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku sheegay in haweenka lagu qabtay iyagoo kaniiniyo maandooriye ah ku qarinaya raashinka loo geeyo maxaabiista maalmaha ay ehelladu booqdaan xabsiga. Maandooriyaha la qabtay ayaa u badnaa kaniiniyo daroogo ah oo tiro badan.
Sida uu sheegay Taliska Ciidanka Asluubta, Waaxda Dabagalka Dembiyada ee ciidanka ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay la socotay dhaqdhaqaaqyada shabakaddan, iyadoo kaashanaysa Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo saraakiisha maamulka xabsiga.
Ciidanku wuxuu sheegay in shabakadda ay ku jireen maxaabiis, ehelladooda iyo dad kale oo si been abuur ah isu sheegaya inay qaraabo la yihiin maxaabiista, si ay fursad ugu helaan booqashada xabsiga.