Muqdisho (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu howlgal ka dhacay gobolka Bakool ku dilay hoggaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo u qaabilsanaa ururinta lacagaha iyo xoolaha ay kooxda ka qaaddo shacabka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in howlgalka lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhaayow. Howlgalku wuxuu ka dhacay duleedka deegaanka Moora Hagar Guudale, oo qiyaastii 20 kiiloomitir koonfur kaga beegan magaalada Xudur, xarunta gobolka Bakool.