Jabuuti (Dawan) – Xafiiska Qaranka ee Biyaha iyo Fayadhowrka Jabuuti (ONEAD) ayaa bilaha soo socda tijaabin doona mashruuc biyo la cabbo ka soo saaraya qoyaanka hawada. Sidaas waxaa Axaddii sheegay agaasimaha guud ee hay’adda, xilli Jabuuti oo ka mid ah dalalka ugu oomanaha badan Afrika ay raadinayso ilo cusub oo biyo ah.
Maxamed Fu’aad Cabdo, oo ah Agaasimaha Guud ee ONEAD, ayaa sheegay in mashruuca oo lagu magacaabo SMART OASIS la tijaabin doono “dhowrka bilood ee soo socda”. Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) ayaa baahisay hadalkiisa, balse ma aysan sheegin kharashka mashruuca, baaxaddiisa iyo hay’adaha kale ee kala shaqaynaya.
“Dalkaygu waa shaybaar dhab ah oo u furan tiknoolajiyadda biyaha,” ayuu yiri Maxamed Fu’aad, isaga oo ka hadlayay shir ay Jabuuti ku yeesheen hay’adaha biyaha iyo fayadhowrka Afrika, sida ay sheegtay ADI.