Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniint ah soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sanad kale ku maalgelinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in go’aanku uu xoojinayo iskaashiga labada dal ee la dagaallanka argagixisada. Waxay Mareykanka ku tilmaamtay saaxiibka ugu weyn uguna adag ee Soomaaliya ee la dagaallanka al-Shabaab.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, iskaashigan awgiis magaalooyinka waaweyn iyo qeyb weyn oo dalka ka mid ah ayaa hadda ku jira nabad iyo xasillooni ka badan sidii hore. Wasaaraddu waxay sheegtay in al-Shabaab laga saaray deegaannada dadku ku badan yihiin, oo ay sii kordhayso inay ku koobnaato deegaannada fogfog.
Wasaaraddu waxay sheegtay in afartii sano ee la soo dhaafay ay Ciidanka Xoogga Dalka la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo hore ugu jiray gacanta ciidamada Midowga Afrika. Arrintaasi waxay suurtagelisay in tirada ciidamada AUSSOM laga dhimo qiyaastii 21,000 ilaa ku dhowaad kala bar, ayay tiri.