Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in maalgashiga shisheeye ee dalka uu kordhay in ka badan 39%, isagoo kororkaas ku tilmaamay horumar la xiriira koboca dhaqaalaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay Shirweynaha Saddexaad ee Kormeerka iyo Qiimaynta, oo Isniintii ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xamse ma uusan faahfaahin muddada uu kororkani ku yimid iyo xogta loo adeegsaday cabbirkiisa, sida ku cad macluumaadka laga helay khudbaddiisa.
Shirweynaha oo soconaya 16-ka iyo 17-ka Nofeembar ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa nidaamyada lagula socdo, laguna qiimeeyo hirgelinta qorshayaasha horumarinta dalka.