Muqdisho, 20 Maarso (Dawan ) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa diiday waxa uu ku tilmaamay qorshe lagu magacaabayo xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, isagoo uga digay inay horseedi karto qalalaase iyo xadgudub dastuur.
Khudbad uu ka jeediyay Muqdisho kadib munaasabadda Salaadda Ciidul Fidriga maanta oo Jimco ah, ayuu Guddoomiyuhu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu wado qorshe lagu soo magacaabayo xildhibaanno si uu doorasho u qabto, taas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
Wuxuu sheegay in arrintaasi ay ka hor imaaneyso xuquuqda shacabka iyo nidaamka dowladnimo.
“Waxaan idiin sheegayaa in wax inta meel la fadhiisto shakhsi qor-qoro xildhibaan looma aqoonsanayo,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in habkaas uu yahay mid lagu tumanayo xuquuqda shacabka, isla markaana dadkii xaqa u lahaa inay soo doortaan xildhibaannada aysan joogin magaalada Baydhabo.
Guddoomiyuhu ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Laftagareen inuu wado abaabul horseedi kara dagaal sokeeye, taas oo uu sheegay inay halis gelin karto dadaallada lagu doonayo xal nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafaadka jira.
