Muqdisho (Dawan)- Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Madaxa Ganacsiga ee Premier Bank, Cabdishakuur Afraz, iyo Agaasimaha Guud ee HALMEEL, Maxamed Dubo, ayaa ka wada hadlay doorka uu bangigu ka qaadan karo xarunta HALMEEL iyo sidii adeegyada maaliyadeed loogu dhex dari lahaa nidaamka mideysan ee adeeg-bixinta xarunta.
Kulanka ayaa shalay ka dhacay xarunta HALMEEL, halkaas oo uu booqasho ku tagay wafdi uu hoggaaminayay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Madaxa Ganacsiga ee Premier Bank. Wafdiga ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee xarunta.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay fursadaha uu Premier Bank uga qayb qaadan karo nidaamka adeeg-bixinta xarunta. Waxa kale oo ay isla eegeen sidii adeegyada maaliyadeed ee bangiga loogu dhex dari lahaa adeegyada HALMEEL, si muwaadiniintu hal goob uga heli karaan adeegyada dowladda iyo kuwa maaliyadeed. Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iskaashiga labada hay’adood iyo horumarinta adeegyada maaliyadeed ee dalka.