Muqdisho (Dawan)- IBS Bank ayaa daah-furay adeegga maalgelinta ee “Kalluun Kaabe”, kaas oo si gaar ah loogu talagalay kalluumeysatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada doonaysa inay ka shaqeystaan qaybta kalluumeysiga. Adeeggan ayaa la soo bandhigay intii uu socday Shirka Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliyeed, oo qabsoomay 26-ka iyo 27-ka Oktoobar 2026.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guud ee IBS Bank, Cabdirisaaq Warsame, ayaa sharraxaad ka bixiyay adeeggan, isaga oo sheegay in bangigu ku faraxsan yahay inuu markii ugu horreysay ka qaybqaato Toddobaadka Kalluumeysiga Soomaaliyeed, oo sidoo kale loo yaqaan Toddobaadka Dhaqaalaha Buluugga ah (Blue Economy). Warsame ayaa xusay in Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer Afrika, isla markaana baddeedu ka mid tahay kuwa ugu khayraadka badan adduunka.
“Kalluun ku dhawaad 1.8 bilyan oo doollar ah ayaa dalka ka soo bixi kara. Ma ilaalinno, dawo ma siinno, calafna uma raadinno. Waa hanti diyaar ah oo Ilaahay noo abuuray, haddana wax kama soo saarno,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan siisay horumarinta dalka, isla markaana dhaqaalaha buluugga ahi uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha horumarineed. Isaga oo ka jawaabaya dadaalladaas, ayuu sheegay in IBS Bank uu diyaariyay adeeg maalgelin oo si gaar ah loogu talagalay kalluumeysatada Soomaaliyeed.