Khartoum (Dawan)- Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Suudaan, Sareeye Guud Yaasiir Al-Caddaa, ayaa sheegay in calooshood-u-shaqeystayaal ka yimid Puntland ay ka barbar dagaallamayaan Ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF), oo ah kooxda ay dowladda Suudaan dagaalka kula jirto.
Al-Caddaa ayaa Puntland ku daray liis ay ku jiraan dalal iyo gobollo kala duwan, kuwaas oo uu sheegay in laga keeno dagaalyahanno shisheeye ah oo ka qayb qaata dagaalka Suudaan. Wuxuu sidoo kale eedeynta dusha uga tuuray Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Saayid.
“Waxaan u soconnaa inaan la dagaallanno tirada aadka u badan ee calooshood-u-shaqeystayaasha ah ee uu Maxamed bin Saayid ka keenay Jaad, Liibiya oo uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar, Niger iyo dalalka Galbeedka Afrika,” ayuu yiri Al-Caddaa.
Wuxuu intaas ku daray in tobannaan kun oo dagaalyahanno ah ay ka yimaadeen Koonfurta Suudaan, halka kuwo kalena ay ka yimaadeen Itoobiya, Puntland iyo Kolombiya.