Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Michael Lotem, safiirka ay Israa’iil u soo magacowday Somaliland, munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in imaatinka safiirka Israa’iil iyo guddoominta warqadaha aqoonsigiisu ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.
Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sidoo kale shaacisay in safiirkeeda u qaabilsan Somaliland si rasmi ah warqadaha aqoonsiga looga guddoomay.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda, safiirka Israa’iil, Michael Lotem, ayaa sheegay inuu sharaf weyn u arko gudbinta warqadaha aqoonsigiisa iyo matalaadda dowladdiisa ee Somaliland.
“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan soo gudbiyo warqadaha aqoonsigayga, kuwaas oo ii oggolaanaya inaan noqdo safiirka Israa’iil ee Somaliland,” ayuu yiri Michael Lotem.