Jigjiga (Dawan) — Afartan carruur ah oo la nool xaaladda autism-ka ayaa waxbarasho iyo adeegyo taageero gaar ah ka hela dugsiga Daryeel 1 ee magaalada Jigjiga, xilli carruurta xaaladdan la nool ay weli caqabado kala kulmaan helitaanka waxbarasho ku habboon baahiyahooda, sida ay Sabtidii sheegtay warbaahinta Dowlad Deegaanka ee SR TV.
Dugsiga Daryeel 1 ayaa ka mid ah laba xarumood oo laga aasaasay Dowlad Deegaanka Soomaalida sannadkii 2018-kii ee taariikhda Itoobiya, kuwaas oo loogu talagalay inay carruurta la nool autism-ka siiyaan waxbarasho iyo taageero u gaar ah baahiyahooda.
Autism-ku waa xaalad la xiriirta korriinka neerfaha, astaamaheeduna waxay soo bixi karaan xilliga carruurnimada hore. Waxay saamayn ku yeelan kartaa habka uu qofku ula xiriiro dadka kale, ula falgalo bulshada iyo sida uu u fahmo deegaanka ku xeeran.
Maamulaha dugsiga Daryeel 1, Axmed Ibraahim Xuseen, ayaa sheegay in xarunta la aasaasay dhammaadkii sannadkii 2018-kii ee taariikhda Itoobiya, si wax looga qabto baahida waxbarasho ee carruurta la nool autism-ka.